Golaha Wasiirada Puntland oo Maanta yeeshay Shir looga hadlay Arrimo dhowr ah

Ku-simaha Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland ahna Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo ka qabsoomay Magaalada Garopwe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Shirkaan ayaa waxaa todobaadkan looga hadlay Arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin Amniga, daah-furka hannaanka isku-dhafka ah ee korjoogteynta iyo dabagalka shaqooyinka Dowliga ah.

Inta uu socday Shirka Golaha Maamulka Puntland ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay mashaariicda, dardargelinta Qaadashada tallaalka COVID-19,  arimaha Gobollada iyo Degmooyinka Puntland iyo xaaladda dadkii laga soo barakaciyay Laascaanood.

Ku-simaha Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland ahna Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Golaha Wasiirada faray inay dardar-geliyaan howlaha shaqo ee Wasaaradahooda horyaalla.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor