Wariye Maxamed Ibraahim Macalimuu oo loo doortay Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta NUSOJ

Wariye Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa caawa loo doortay xoghayaha guud ee Ururka Suxufiyiinta NUSOJ kadib markii magaalada Muqdisho ay ka dhacday doorasho taariikhi ah.

Macalimuu ayaa si sahlan ugu guuleystay doorashada kadib markii uu tanaasul sameeyay wariye Cali Cabdillahi (Cali Baashi) oo ay tartamayen.

Maahir Jaamac Aadan ayaa loo doorstay gudoomiyaha NUSOJ isaga oo helay 93 cod halka musharaxa la tartamayay oo ahaa Adan Kismaayo uu helay 56 cod.

Muxudiin Xasan Xusni ayaa loo doortay gudoomiye ku xigeenka koowaad halka Cabdifatax Xasan Faarax uu ku guuleystay gudoomiye ku xigeenka labaad ee NUSOJ.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor