Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Tuulah ) ayaa maanta shir gudoomiyay shirka Maamulka sare ee Gobolka iyo Guddoomiyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir.
Shirkan oo Arbaco kasto lagu qabto Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa looga hadlay Maanta, Xoojinta Amniga Caasimadda, Dib u nooleynta Naleynta Magaaladda, Bilic soo celinta Muqdisho, Hormarinta iyo hoos u daadajinta Adeegyadda Bulshada Caasimadda uu hayo Maamulka Gobolka Banaadir.
Mudane Maxamed Tuulax Guddoomiye Ku 1aad ee Gobolka Banadir ayaa kula dardaarmay Guddoomiyaasha degmooyinka in si wanaagsan u muujiyaan guddasha waajibaadka ka saaran degmooyinka ay Madaxda ka yihiin iyo Bulshada ku nool, waxaa uu tilmaamay in Maamulka gobolka Banaadira ka go’an tahay u shaqeynta Shacabkiisa.
Hoos Ka Daawo Sawirrada Kulanka.