Tan iyo markii in ka badan 30 ruux oo ku dhaawacmay qarixii zoobe ay dowladda Qatar u qaaday dalka sudan waxaa soo baxayay cabasho ku aadan in aysan dhawacyadaas helin daryeel Daryeel Caafimaad.
Cabashadaas ayaa waxaa la sheegay in ay jawaab ka bixisay xukuumadda Soomaaliya isla markaana xalin arintas uu dalka Sudan Maanta u aadayo Ra’uusul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka ayaa sii joogo doona dalka Sudan ilaa xal laga gaarayo dhaawacyadii dowladda Qatar ay ka qaaday Muqdisho oo ay geysay dalkaas kuwaas oo la sheegay in ay heestaan Daryeel la’aan Caafimaad.
Dhaawacyadaas ayaa laba Maalin ka hor loo qaaday dalka Suudan kadib markii dowladda Qatar oo balan qaaday in ay bixineyso Dhaqaalaha ku baxaya ay dalkeeda ka weysay Isbitaalkii la seexin lahaa ama lagu daweyn lahaa.