C/qaadir Boos: Madadaaliyaha ugu caansan  Warbaahinta Isku-xirka Bulshadda ee Facebook oo wareysi siiyey Radio Dalsan (Dhagayso)

Macaamiisha ku xiran Aalladda Facebook, waxay si xooggan u taabacsan yihiin, isla markaana ay si joogto ah ula socdaan Madadaaliyaha caanka baxay ee C/qaadir Siyaad Boos, oo isagu deggan dalka Finland.

Wiilkaa Dhallinyaradda waxa uu maalin kasta oo Axad ah soo dhigaa bartiisa Facebook Barnaamij uu ugu magac daray “Kaftanka Sport-ga”.

Waa Barnaamij Madadaalo oo uu ku soo qaato waxyaabo Fanni ah oo la xiriira siyaasada dalka isago u badala kaftan loo aqriyo qaab Sport-ah , waxaana inta badan Barnaamijkaasi kala qeyb gashay Luul Shaalu oo ah saxafiyad da yar oo dagan dalka Sweden

C/qaadir Boos oo la hadlay caawa Radio Dalsan ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu si joogto toddobaad kasta u soo bandhigo Barnaamijka Kaftanka Sport-ga, taasi oo uu tilmaamay inuu ugu talagalay inuu saxaaxibadiis facebook ku madadaaliyo, uguna soo gudbiyo Qubanayaal siyaasadeed oo sports ahaan loo badalay .

C/qaadir Boos waxaa cinwaankiisa Facebook  dhahay (Like)  Macaamiil ay tiradoodu ku dhawdahay 30,000 oo qof.

Sidoo kale, Cinwaankiisa Snapchat waxaa tiri (Like) ilaa 60,000 oo Macaamiil.

Mar wax laga weydiiyey qaabka uu ku kasbaday Macaamiishaasi waxa uu tilmaamay inuu ku kasbaday Xarfadiisa Madadaalinta iyo  isagoo ah qof Dhallinyarro oo aad u danaynaya Isbarashadda Furan iyo inuu yeesho Taageerayaal badan.

Dadka qaar ayaa ku tilmaamay xirfada jiliin ee Boos ineey u horseedeyso inuu ka mid noqdo majaajilistayaasha ugu caansan dalka , waxaana aad aad u xiiseeya barnaamijyadiisa live-ka facebook iyo midan kaftanka sports-ka dhalinyaro badan oo aalada facebook isticmaasha.
C/Qaadir Boss ayaa ka qaxay dalka sanadki 2009 xiligaas oo uu mudo ku sugnaa magaalada Nairobi kadibna waxaa u suuragshay inuu helo warqadaha dal ku galka Filand oo uu hada ku noolyahay.

Wareysiga oo dhameystiran Halkan ka dhageyso:-

Halkan ka daawo mid kamid ah Barnaamijyada uu sameeyay Cabdiqaadir Boss:-


©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor