Xukuumadda oo kulan gaar ah ka yeelatay Xaaladda Baladweyne oo Qaraxyo ka dhaceen

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa guddoomiyey shir looga hadlayay amniga oo si gaar ah loogu lafaguray xaaladda magaalada Beledweyne oo maanta ay ka dhaceen qaraxyo sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.

Kullanka ayaa looga hadlay qaabkii gurmad deg-deg ah loola gaari lahaa shacabkii ku dhaawacmay qaraxyada.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in qaraxyada Al-Shabaab ay ka geysteen Beledweyne ay tusaale u yihiin inay u babac dhigi waayeen awoodda ciidamada kula dagaallamaya furimaha.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay guud ahaan hawlgallada dib u xoreynta dalka ka socda iyo xaaladda guud ee gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor