Aweys Shiikheey oo ah Somali haysta Dhaalashada dalka Holland ayaa shalay la soo taagay Maxkamad ku taalla magaalladda London, isagoo lagu soo oogay inuu ku biiri lahaa Kooxda Daacish iyo inuu doonayey inuu weeraro ku dilo Boqorada Ingiriiska, Queen Elizabeth II, iyo Ra’isul-wasarihii hore ee UK, David Cameron.
Aweys Shiikheey oo 38-jir ah waxaa kaloo lagu soo oogay inuu doonayey inuu iibsado Qori AK 47, si uu u weeeraro Taageerayaasha Kooxda TOTTENHAM iyo Yuhuudda ku nool Waqooyiga LONDON.
Eedeysanaha oo ka soo hor muuqday Maxkamadda OLD BAILEY ee magaalladda London ayaa la sheegay inay Haweeney ku nool dalka Norway oo magaceeda lagu sheegay Raaqiya Xuseen, taasi oo ku tashkiilisay inay is-guursan doonaan haddii uu ku soo biiro Kooxda Daacish , isla markaana uu fuliyo weeraradaas.
Qoraal loo soo gudbiyey Maxkamadda OLD BAILEY ayaa lagu sheegay inuu Aweys Shiikheey u diray  Raaqiya Xuseen bishii Maarso ee sannadkii 2016-u diray lacag dhan 8,400 Dollar, isla markanaa uu bilihii April iyo May ee isla sannadkaasi u kala diray lacagwadarteedu dhamayd 3,600 oo Dollar, waa sida lagu xusay Qoraalka Maxkamaadda.
Dhinaca kale, Garsoore Martin Edmunds oo qaadayey Dacwadaasi ayaa ku dhawaaqay inuu Aweys Shiikheey ku xukumay Xabsi 8 sanno ah.