Hay’addii Saddexaad oo Xafiiskeedii Nairobi u soo wareejisay Muqdisho

Waxaa shalay si rasmi ah loo furay xafiiska Hay’adda Mercy Corps ee Soomaaliya iyadoo uu xariga ka jaray Wasiirka Qorsheynta Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Jamal Maxamed Xassan oo uu wehliyo madaxa Hay’ada iyo Xoghayaha Joogta ah ee Wasaaradda Qorasheynta Cabdulqaadir Axmed Warsame.

Kadib baaqii dowladda ayaa waxaa isi soo taraya iyadoo ay ka soo jawaabayaan dhamaan hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya Soomaaliya ay wadanka soo dagaan intaan sandkan 2018 dhamaan.

Talaabadan ayaa muujinaysa isbedelada kajira dalka iyo sidii guud ahaan adeegyada loo qabanayo Bulshada Soomaaliyeed xafiisyada qaabilsan Soomaaliya ay uga shaqeyn lahaayeen, iyadoo la ogyahay in ay ku shaqeyn jireen meel ka baxsan Soomaaliya.

Dhawaan waxaa magaalada Muqdisho laga furay xafiisyada Hay’addaha Socdaalka ee IOM iyo. Hay’adda Care International , si howlahooda shaqo ay uga bilowdaan gudaha Soomaaliya

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor