Xubno ka tirsan Wakiilada Beesha Caalamka ayaa Cambaareeyay qaraxii Is-miidaaminta ee xalay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan lagula beegsaday Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo ka tirsaneyd Baarlamaankii 10-aad ee dowladda.
Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Tiina Intelmann oo Qoraal kooban barteeda Twitter-ka kusoo qortay ku Cambaareeysay falalka Argagixisada iyo dilalka ku saleysan siyaasadda, iyadoona tacsi u dirtay Xildhibaan Aamina oo qof miineysan isku qarxiyey.
“Midowga Yurub waxaa uu cambaareynayaa falalka Argagixisada iyo dilalka ku saleysan siyaasadda, tacsi ku socota Ehelada Xildhibaan Aamina” ayey tiri Tiina Intelmann oo ah Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya oo ka hadleysay dilka Marxuumad Aamina.
Sidoo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ka Cambaareeyay qaraxa lagu dilay Xildhibaanad Aamina Maxamed Cabdi iyo dad kale oo la socday, iyagoo ka tacsiyeeyay geerida Marxuumada, kuna tilmaamay falkaas dhacay mid aad u fool xun…
Qoraal laga soo saaray Xafiiska UN-ka ee Muqdisho ayaa waxaa lagu dalbaday in baaris lagu sameeyo qaraxa lagu dilay Xildhibaanad Aamina Maxamed, sidoo kalena ku baaqay in hannaanka doorashada dalka lagu soo gabagabeeyo, si nabad ah oo ammaan ah.
Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Kate Foster ayaa qaraxyadii shalay iyo xalay ka kala dhacay Magaalooyinka Muqdisho iyo Baladweyne ku tilmaamay mid lagu doonayo in lagu carqaladeyo doorashada ka socota dalka Soomaaliya.
Si kastaba dad ku dhow 30 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen qaraxyo Is-miidaamin ah oo ka dhacay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, halka dad kale oo farabadan ay soo gaareen dhaawacyo culus, sidoo kalena ay burbureen dhismayaal.