Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle Isaaq Cali Cabdulle ayaa faah faahin ka bixiyey khasaaraha ka dhashay qaraxyadii Is-miidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan,.
Taliye Isaaq Cali oo shir Jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in qaraxa koowaad uu ka dhacay afaafka hore ee Xarunta Madaxtooyada, isla markaana qof isa soo miidaamiyey uu isku qarxiyey Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi iyo dadkii la socday oo si toos ah u beegsaday.
Taliyaha ayaa sheegay in qaraxa labaad oo loo adeegsaday gaari NOHA qaraxyo laga soo buuxiyey uu ku qarxay albaabka hore ee Isbitaalka weyn ee Baladweyne, ayna ku dhinteen dad farabadan oo shacab ahaa isuguna jiray rag iyo dumar oo ka agdhawaa.
Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Hiiraan ayaa xaqiijiyay in qaraxyada ay ku dhinteen in ka badan 30 qof oo ay ku jireen Xildhibaan Aamina Maxamed iyo Xildhibaan hore Cali Cabdi Dhuxul, dad shacab ah, sidoo kalena ay dhaawacmeen afartameeyo qof.
Sidoo kale Taliyaha ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka iyo Maamulka Hirshabeelle inay Muqdisho u soo qaadan dad qaba dhaawacyo culus oo si xun u waxyeeloobay, isagoo xusay in xalay ilaa saaka dhaawacyo badan la geeyay Xarumo Caafimaad, wuxuuna Taliyaha tilmaamay inuu burburay Isbitaalka weyn ee Magaalada Baladweyne.
Wuxuu intaas kusii daray Isaaq Cali Cabdulle in laamaha amniga ay wadaan baaritaano kala duwan, isla markaana la soo qaban doono dadkii ka dambeeyay qaraxyadii xalay dhacay isagoo shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amniga… Weerarada qaraxyada ee Baladweyne ka dhacay ayaa waxaa mas’uuliyadooda sheegatay Al-shabaab.