Xubna sare oo ka socda Jabhadda ONLF ayaa fiidnimadi xalay waxa ay gaareen magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya,iyada oo siweyn halkaasi loogu soo dhaweeyey.
Wafdiga oo uu hoggaaminayey afhayeenka Jabhadda ONLF Caddaani Cabdulqaadir waxay ka kooban yihiin 3 xubnood oo sare oo ka tirsan Jabhadaas.
Maanta ayaa waxaa la filayaa in Magalada Adis Ababa ay ku kulmaan Mas’uuliyiin ka tirsan Ururka ONLF iyo dowladda Federaalka Itoobiya si ay uga wada hadlaan arrimo dhowr ah.
Dowladda federaalka Itoobiya iyo ONLF ayaa mudo tobaneeyo Sanno ah waxaa ka dhaxeeyey dagaal sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac aad u farabadan,waxana dhawaan uu heshiis ku dhexmaray Wadanka Eleteria.
Afhayeenka Ururka ONLF Cabduqaadir Cadaani(Hirmooge) iyo Xubnaha la socda ayaa sidoo kale waxa ay Adis Ababa kula kulmi doonaan Jaaliyadda Soomaaliyeed eek u nool gudaha dalkaas.