Xisbiga Wadajir ee uu hogaamiyo Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa qaadacay kulanka Maanta uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo isugu yeeray Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan kuwa diiwaangashan.
Xisbiga Wadajir ayaa sheegay in Xisbigu uu diyaar u yahay ka qeyb galka kulamada looga arrinsanayo hannaanka doorashooyinka 2020-ka, waxaana uu Xisbigu tilmaamay in Madaxweynaha looga baahan yahay inuu Shacabka Soomaaliyeed u sheego in hal maalin uu ku darsan doonin mudada xilheyntiisa.
Sidoo kale Xisbiga C/raxmaan C/Shakuur Warsame ayaa sheegay in kulankaas ka qeyb galkiisa ay ku xiran tahay Shuruud, taasi oo ah in dowladda Federaalka ay magdhow ka bixiso dhibkii Xisbiga Wadajir kasoo gaaray weerarkii ka dhacay Xarunta Xisbiga 17 December sanadkii 2017.
“Xisbiga Wadajir wuxuu diyaar yahay in uu ka qeyb qaato kulamada looga arrinsanayo hannaanka doorashooyinka 2020, haddii ay cadaato in Madaxwayne Farmaajo uu daacad ka yahay wadatashiga la xariira doorashooyinka 2020-ka, wuxuuna Xisbigu dhab u qaadanayaa wada tashiyada, Marka uu Madaxweynuhu si cad shacabka Soomaaliyeed ugu cadeeyo una balanqaado in uu san hal maalin ku darsan doonin muddo xileedkiisa”ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray Xisbiga.
Si kastaba Maanta ayaa waxaa lagu wadaa in Madaxweyne Farmaajo Xarunta Madaxtooyada uu kula kulmo Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka, isagoona kala hadli doona Arrimaha Doorashooyinka Sanadka 2020-ka.