Banaanbax Cabasho ah oo ka socda Magaalada Muqdisho

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda Banaanbax ay dhigayaan qaar kamid ah Gaadiidleyda BL-ka ee ka shaqeysa Waddooyinka ku yaalla Caasimada.

Gaadiidleyda BL-ka ayaa banaanbaxa ay dhigayaan waxaa ay uga Cabanayaan lacago dheeraad ah oo ay sheegeen in lagu soo rogay, taasi oo markii la xiray Waddooyinka laga joojiyay.

Sidoo kale Banaanbaxan ayaa sigaar ah uga socda Isgoysyada Afarta Darjiin, Fagax iyo Towfiiq, waxaana dad Goobjoogayaal ah ay Dalsan u sheegeen in gaadiidleyda ay yihiin kuwo aad u careysan.

Qaar kamid ah gaadiidleyda ayaa tilmaamay inay cabasho u gudbiyeen Maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliska Ciidanka Booliska, hayeeshee arrintaas aysan wax Jawaabin ah ka helin.

Gaadiidleyda BL-ka ayaa dhowr jeer Banaanbaxyo ka dhigay Magaalada Muqdisho, kaasi oo ay uga cabanayeen xirnaashaha Waddooyinka ku yaalla Caasimada iyo lacago dheeraad ah oo lagu soo rogay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media