Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta waxa ay yeelan doonaan kulankoodii ugu horeeyay ee Kal-fadhiga 5-aad,kadib markii uu Arbacadii lasoo dhaafay si rasmi ah uu furay Madaxweyne Farmaajo.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa mudooyinkii dambe fasax ku jiray,waxaana ay yeelan doonaa kulankoodii ugu horeeyay tan iyo markii ay fasaxa galeen Bishii Janaayo ee Sanadkaan.
Ajendaha kulanka Xildhibaanada Baarlamaanka maanta ayaa warbixin loogu dhageysanaya Guddiga dib u eegista Dastuurka.
Ammaanka guud ee Magaalada Muqdisho ayaa Maanta aad loo adkeeyay,iyadoona Wadooyinka lagu arkayo Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo taagan.