Tahriibayaal Afrikaan oo laga soo badbaadiyey meel ka baxsan xeebaha Liibiya

Ciiddanka Ilaaladda Xeebaha ee dalkaasi waxay sheegeen inay 117 Tahriibayaal ka soo kala jeeday dalal Afrikaan ah shalay ka soo badbaadiyeen meel ka baxsan Xeebta magaalladda Al-khmas oo 120 KM dhanka Bari kaga toosan caasimadda dalkaasi ee Tripoli.

Hadal qoraal oo ka soo baxay Ciiddanka Ilaaladda Xeebaha iyo Ammaanka Dekedaha ee dalkaasi ayaa lagu sheegay inay dadkaasi la socdeen dooni nooca caaga ee la buufiyo oo kula xumaatay xeebaha Galbeedka dalkaasi.

Tahriibayaasha shalay laga soo badbaadiyey  Xeebaha Libya ayaa la sheegay inay kala ahaayeen 84 rag, 15 haween iyo 18 carruur, kuwaasi oo la siiyey gargaar iyo daaweyn, ka hor inta aan loo gudbinin Xarun lagu hayo dadka sida sharci-darradda ku jooga dalkaasi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media