Masjid ay ku cibaadeystan Takfiirka oo Bam gacmeed lagu weeraray

Ugu yaraan laba ruux ayaa ku geeriyootay 12 kalena waa ay ku dhaawacmen kadib markii bambo gacmeed xalay lagu tuuray Masjid ay ku cibaadeysan jiren Kooxda Takfiirka oo ku yaala Magaalada Beledweyne.

Dadkii ku dhaawacmay Qaraxa ayaa loo qaaday cusbitaalka Beledweyne waxaana la soo sheegaya in xaalada dadkasi lagula tacaalayo halkasi.

Maamulka gobolka Hiiraan weli kama aysan hadlin Qaraxa iyo khasaaraha rasmiga ee ka dhashay.

Weli ma jirto koox sheegatay masuuliyada Weerarkasi Qaraxa ahaa ee lala beegsaday Masjidkasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor