Xarunta Villa Hargeysa ayaa Goordhow waxaa ka furmay Kulankii 15aad Kalfadhiga 7aad ee Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo kulanka looga hadlayo Ajendayaal kala duwan.
Kulanka ayaa waxaa Shir guddoominaya Guddomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Cabduweli Sheekh Ibraahim Muudey Iyo Guddomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka.
In ka badan 140 Xildhibaan ayaa ku sugan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho, isla markaana waxaa dood ay ka yeelanayaan laba Ajende oo kala ah:
1- Akhrinta 1aad Hindise -sharciyeedka Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda
2-Akhrinta 1aad Hindise-sharciyeedka Difaaca Qaranka