Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Guutada 16-aad Kumaandooska Danab iyo guutada 17-aad ayaa howlgal qorsheysan kula wareegay degaanka Mubaarak oo hoostaga degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Taliyada guutada 16-aad kumaandooska xoogga dalka danab Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay in ciidanka haatan ay baaritaano kawadaan degaankaasi kaasi oo ay ku xaqiijinayaan amaanka.
G/le Ismaaciil ayaa tilmaamay ciidanka Xoogga dalka inay howgalka kusoo qabteen Sarkaal la sheegay in Al-shabaab uu u uqaabilsanaa degaanka mubaarak oo lagu magacaabo macalin cabdulaahi sidookale ciidanka ayaa dilay xubno oo ka tirsan shabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.
Taliyaha ayaa intaasi kudaray in ciidanka kumaandooska xoogga dalka wadooyinka ay kasoo saareen miinooyink lagu aasay, kuwaasi oo ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.