Xildhibaanada Cusub ee Koonfur Galbeed oo la dhaariyay

Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG  u ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta waxaa lagu qabtay Munaasabad lagu dhaarinayay Xildhibaanada Cusub ee Koonfur Galbeed, kuwaasi oo dhawaan lagu dhawaaqay.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Maxkamadda Koonfur Galbeed, Guddigii qaban-qaabiyay soo xulista Munadayaasha iyo xubno kalee , waxaana Maanta la dhaariyay 94 Xildhibaan oo ku sugan Baydhabo.

Wariye Xasan Salaad Xasan Laki oo ku sugan goobta lagu dhaariyay Xildhibaanada ayaa waxaa uu sheegay in hal xildhibaan aan la dhaarin, kaasi oo la tilmaamay inuu u maqnaa arrimo Caafimaad.

Wasiiro iyo Xildhibaanada ka tirsan dowladda Federaalka ayaa kasoo horjeestay Liiska Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka labaad ee koonfur Galbeed, iyagoona sheegay in sidii loo baahnaa aan loo xulin.

Magaalada Baydhabo ayaa shalay waxaa gaaray Wasiiro iyo Xildhibaano oo uu hogaaminayay Wasiirka amniga Xukuumadda Maxamed Abuukar Islow Ducaale, iyagoona la kulmya Madaxweyne Lafta-gareen, isla markaana kala  hadlay arrimo la xiriira Xildhibaanada Cusub ee maamulkaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media