Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubba Hoose ayaa Maanta waxaa kulankii 28-aad ee kalfadhigga 1-aad ku yeeshay Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Jubbaland.
Kulankan oo ay soo xaadireen 39 Mudane ayaa waxaa Shir guddoominaayey Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Jubbaland mudane Cabdi Baalley Xuseen, isla markaana waxaaa lagu falanqeeyey saameynta ay dadka Jubbaland ku yeelatay fatahaadda uu sameeyay wabiga Jubba.
Sidoo kale kulanka Xildhibaanada ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray sidii gurmad loo gaarsiin lahaa dadka ay saameeyeen fatahaadda iyo roobka dayrta.
Xildhibaanada baarlamaanka Jubbaland ayaa ballan qaaday lacago tadawucaad ah oo ay ugu deeqayaan dadkii ay fatahaadahan saameeyeen iyaga oo sidoo kale laamaha kala duwan ee dawladda, ganasatada iyo bulsha waynta Soomaaliyeed ugu baaqay in ay qayb ka qaataan gurmadka loo fidinayo dadkan.
Ugu dambeyntii Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland ayaa laamaha dawliga ah ee ay khusayso si gaar ah uga codsaday in ay wax uga qabtaan samaynta caafimaad ee fatahaadahan ka dhalan karta isla markaana loo gurmado beeraleyda ay fatahaaduhu wax yeeleeyeen dalagoodii beeraha iyo agabkii ay ku shaqaysanayeen.