Diyaaradaha dowladda Mareykanka oo kaashanaya Ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan kumaandooska, ayaa duqeyn ka fuliyay sadhigyo waaweyn oo Nabad diidka Alshabaab ay ku lahayeen deegaan hoos yimaada gobolka Baay oo la yiraahdo Buur Ceelcade, deegaankaas oo u dhaxeeya Xabaal barbaar, Diinsoor iyo Buurhakaba.
Duqeyntaasi, ayaa lagu dilay in ku dhow boqol dagaalame oo isugu jiray maleeshiyaad hubeysan iyo horjoogayaal sare oo ka tirsan argagixisada nabad diidka ah ee Alshabaab, sida uu xaqiijiyey Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska XFS, Mudane C/raxmaan Cumar yariisoow.
“Dowlada Federaalka waxaa ka go’an dardargelinta la dagaalanka kooxaha argagaxisada Al-Shabbab oo saakay duqeyn xero tababar ee Buur Ceelcade ee degmada Diinsoor looga dilay 90 – 100†wasiir yariisoow ayaa siddaasi bartiisa facebook-ga ku daabacay.
Alshabaab, ayaa wixii ka dambeeyey tan iyo markii dadka shacabka ah ay ku xasuuqeen qaraxii Ex Zope ay ka geeystaan, waxay wajahayeen weeraro ka duwan kuwii hore ee kaga imaanaya dhanka ciidanka xoogga dalka iyo saaxiibada dhanka howlgalada ka caawiya, waxaana jirto in deegaano badan oo fadhi muhiim ah u ahaa hadda ay kasii carayaan, si ay uga baxsadaan hirka xoogga badan ee kusoo wajahan.