Cali Geedi oo baaq u diray Madaxweyneyaashii hore Soomaaliya

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dowladii KMG aheyd ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi ayaa waxaa uu ka hadlay hadalkii shalay ka soo yeeray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed, kaasi oo uu Shariif Digniin adeg ugu diray dowladda.

Cali Maxamed Geeddi ayaa dhaliilay hadalkii ka soo yeeray Shariif Axmed ee ahaa in Dowladda Soomaaliya Muqdisho ka saari doonaan haddii aysan dhibaatada joojin, wuxuuna Geeddi sheegay in hadalkaas uu niyad jeb ku yahay shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa Madaxweyneyashii hore ee dalka ugu baaqay inay yareeyaan xasaradaha iyo dhibaatooyinka shacabka dhibsanayaan oo niyad jab u horseedi kara.

“Mas’uuliyadda waa la wadaagaa, erayo aan munaasib aheyn baa ka soo baxay afafka siyaasiyiin saaxibo ah, walaalo ah oo aan looga baahneyn inay sidaas u dhaqmaan” ayuu yiri Cali Geeddi.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dowladdii KMG aheyd ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi ayaa sheegay in dowladda Federaalka looga baahan yahay inay xurmeyso Madaxweyneyaashii hore ee dalka soo maray soona qabtay shaqo adeg, isla markaana dhowraan mansabka ay leeyihiin, aysana ula dhaqmin si aan wanaagsaneyn.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media