Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal, iyadoo halkaas siweyn loogu soo dhaweeyay.
Cabdiwelis Gaas iyo wafdiga la socday ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Garoowe kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo ugu horeeyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo xubno kale.
Cabdiwelis Gaas oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay in muddo sanad kadib uu dib ugu soo laabto Magaalada Garoowe, iyada oo ay ka socdaan horumaro kala duwan.
Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland ayaa waxaa uu sheegay inuu ka qeyb geli doono Shirka wada-tashiga Puntland ee uu ku dhawaaqay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, kaasi oo Garoowe ka dhacaya 15-ka bishaan 2020.
Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dalka dibaddiisa ku maqnaa muddo 13-bilood ah, isagoo 2-dii Bishii February ee sanadkii tegay ee 2019 ka dhoofay Magaalada Garoowe, kadib markii looga adkaaday doorashadii ka dhacday Puntland ee uu kusoo baxay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.