Xildhibaan uga digay MD Farmaajo inuu Maanta ka hadlo arrin xasaasi ah

Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay khudbada Maanta la filayo in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi uu kahor jeediyo Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Xildhibaan Cabdi Shire oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu u sheegay in Madaxweyne Farmaajo laga doonayo oo kaliya inuu ka hadlo arrinta kalsooni siinta Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Maxamed Xuseen Rooble, uuna dalbado kalsooni siinta Ra’iisul Wasaaraha.

Xildhibaanka ayaa Madaxweyne Farmaajo uga digay in Xildhibaanada Golaha Shacabka uu kala hadlo heshiiskii Doorashada dalka ee dhawaan uu la gaaray Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada dalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Isaga oo sii hadlaayay Xildhibaan Cabdi Shire ayuu ku goodiyay in haddii Madaxweynaha Soomaaliya uu ka hadlay arrimaha Doorashada ay durbaano ku yeerin doonaan, wuxuuna nasiib darro uu ku tilmaamay heshiiskii laga gaaray Doorashada dalka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maanta hortegaya Xildhibaanada Golaha Shacabka, isagoo halkaas ka jeedin doona Khudbad uu uga hadlayo arrimo kala duwan, sidoo kalena Xildhibaanada ay Codka kalsoonida ah u qaadi doonaan Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media