Madaxweynaha Hirshabeelle oo Magacaabay Wasiiro Cusub (Wareegto)

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xilka qaadis ku sameeyay Wasiirkii Biyaha iyo Tamarta Hirshabelle iyo Wasiiru dowlihii Wasaaradda Beeraha iyo waraabka Maamulkaas.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Waare ayaa waxaa xilka Wasiirka Biyaha iyo Tamarta Hirshabeelle loogu magacaabay Shuceyb Cabdikariin Muumin, isagoo bedelaya
Saalax Maxamed Xasan oo hore u haayay xilkaas.

Sidoo kale Madaxweyne Waare ayaa Wasiiru dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo waraabka Hirshabeelle u Magacaabay Xildhibaan Yuusuf Axmed Yalaxow.

Laamaha amniga Maamulka ayaa waxaa la faray inay la shaqeeyan Mas’uuliyiinta Cusub ee la Magacaabay si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo ee loo idmaday.

Hoos ka Akhriso Wareegtada Magacaabista ah. 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media