Maxaa ka jira in Xarunta Maamulka G/Banaadir laga jartay korontada?

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa baraha Bulshada lagu faafiyay warar sheegayay in Xarunta maamulka Gobolka Banaadir laga jirtay korontadii ku jirtay, hayeeshee Maamulka Gobolka ayaa gelinkii dambe ee Maanta ka hadlay wararkaas.

Afhayeenka maamulka Gobolka Salaax Xasan Cumar Saalax Dheere oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in aysan waxba ka jirin wararka la faafiyay ee ahaa in Xarunta uu ku shaqeeyo Gobolka laga jaray korontadii ku jirtay.

Been abuur ayuu ku tilmaamay wararka lagu faafiyay baraha Bulshada iyo sidoo kalena ay baahiyeen qaar kamid ah warbaahinta, wuxuuna saxaafadda ugu baaqay inay ka fogaan wax kasta oo bulshada aan u fiicneyn, lagana shaqeeyo horumarinta dalka.

Ugu dambeyn Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir Salaax Xasan Cumar Saalax Dheere ayaa cadddeeyay in Maamulka Gobolka ay ka go’an tahay sidii Muqdisho u marti gelin laheyn doorashooyinka ka dhacaya, isagoo xusay inay ka shaqeyn doonaan sidii ay u dhici laheyd doorasho xor oo si nabad ah ku dhacda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media