Cali Mahdi oo fariin u diray Dowladda iyo Maamul Goboleedyada

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed ayaa Madaxda dowladda Federaalka iyo Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada ugu baaqay inay qabtaan Shirweyne Qaran oo dib u heshiisiin dhab ah, loona sameeynayo dadka Soomaaliyeed.

Waxaa uu sheegay Cali Mahdi in dalka Soomaaliya uu dhibaato badan kusoo jiray 30-kii sanno ee lasoo dhaafay, isla markaana haatan aysan u baahneyn dagaal iyo dhibaato kale, hayeeshee ay dadka Soomaaliyeed u baahan yihiin inay ay gacmaha is qabsadaan, kana fogaan wax kasta oo keeni kara Colaad.

“Madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada, waxaan ka codsanayaa in la qabto shirweyne Soomaaliyeed oo dib u heshiisiin dhaba, hadeysan dhicin taas oo aan shirkaas la qaban, Soomaali colaadu waa jireysaa, waxayna ku daawoobi karaan in la isu keeno” ayuu yiri Cali Mahdi.

Dhinaca kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi ayaa Madaxweyne Farmaajo uga mahadceliyay tanaasulkii uu u muujiyay badbaadinta qaranimada iyo maxsalada shacabka, isagoona Go’aanka uu qaatay Madaxweynaha ku tilmaamay mid taariikhi ahaa.

Hadalkaan ayaa waxaa uu Cali Mahdi Maxamed ka sheegay Munaasabad soo dhaweyn ah oo shalay Magaalada Muqdisho loogu sameeyay dhammaan Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada dalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media