Guddoomiyaha BFS, Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari†ayaa ku dhawaaqay inuu is-casilay, iyadoo lagu waday inay Xildhibaanadda maanta Codka Kalsoonida u qaaday Mooshinka ka dhanka ah Prof. Jawaari.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo la hadlay Wakaalladda Wararka REUTERS ayaa sheegay in Is-casilaadda Prof. Jawaari soo gebagebaysay Xiisadda Siyaasadeed ee taagnayd.
“Waxaan saakayto joognay Xarunta BFS, o oaan diyaar u ahayn Mooshinka ka dhanka ah Guddoomiyaha BFS†ayuu yiri Xildhibaan Jeesow oo intaasi ku daray inuu G/Xigeenka BFS so ogalay Xarunta, isla markaana uu akhriyey Warqadda Is-casilaadda ee ka timid Afhayeenka BFS.
Xildhibaan Jeesow oo ka mid ahaa Xildhibaanadda sida xooggan ugu ololeeyey Mooshinka ka dhanka ahaa Guddoomiyaha BFS waxa u urintaasi ku daray inay aad u soo dhaweeyeen Is-casilaadda Prof. Jwaari waafaqsan tahay Dastuurka.
Guddoomiyaha BFS, Xildfhibaan Jawaari waxa uu xilkaasi hayey tan iyo sannaadkii 2012-kii, xilligii Madaxweynihii Dowladda KMG ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed.