Magalada Hargeysa waxaa Maanta ku geeriooday xildhibaan Ibraahim Axmed Heybe(Kacaan) oo ka mid ahaa Golaha Wakiilada Maamulka Soomaaliland.
Xildhibaanka ayaa la sheegay in uu xanuunsanayay bilihii la soo dhaafay,waxa uuna ka mid ahaa Xisbiga Kulmiye ee hadda haya talada Maamulka Soomaaliland,isla markaana uu Madaxda ka yahay Muuse Biixi Cabdi.
Masuuliyiinta ugu sareysa Maamulka Soomaaliland ayaa ka tacsiyadeysay geerida xildhiaban Ibraahim Axmed Heybe,iyada oo lagu wado in Maalinta berito ah lagu aaso Magaalada Hargeysa.