Gaashaanle dhexe Sahal Faarax Raage oo ahaa Xeer ilaaliyihii Maxkamadda sare ee Ciidamada Somaliland ayaa sheegay inuu kasoo goostay Somaliland kuna soo biiray dhanka Puntland.
Isaga oo Maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal Sahal Faarax Raage ayaa waxaa uu sheegay inuu ka tanaasulay xilkii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u Magacaabay ee ahaa Xeer ilaaliyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Somaliland.
Sidoo kale Gaashaanle dhexe Sahal Faarax ayaa waxaa shaaciyay inuu ka tanaasulay xubinnimadii uu la ahaa Ciidanka Somaliland, isla markaana wixii Maanta ka bilaawda uusan ka mid aheyn Somaliland.
Waxaa kaloo uu tilmaamay Sahal Faarax Raage inuu ku biiray Ciidanka Daraawiishta Puntland, waxaana sababta uu uga soo goostay dhanka Somaliland uu u sheegay inay tahay Caddaalad darro, waxaana Garoowe kusoo dhaweeyay Saraakiil ka tirsan Puntland.
Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Somaliland oo ku aadan inuu kasoo goostay Xeer ilaaliyihii Maxkamadda sare ee Ciidamada Gaashaanle dhexe Sahal Faarax Raage, waxaana jirtay in dhowr jeer oo horey in Ciidamo ka tirsanaa Somaliland ay u soo wareegeen Puntland.