Guddiga doorashada Guddoonka Golaha Shacabka oo Maanta lagu dhawaaqayo

Xarunta Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa waxaa maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeelan doona Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo mudo mudo bil ka abdan aan kulmin sababo la xiriira khilaafka dhex jiray guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya.

Ajendaha Kulanka Maanta ayaa ah in lagu dhawaaqo Guddiga doorashooyinka Guddoomiyaha Golaha Shacbaka Soomaaliya kadib markii uu is casilay Guddoomiyihii Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Guddiga Maanta lagu dhawaaqi doono ayaa Wararka aan helnay waxa ay sheegayaan in ay macquul tahay in ay ka koobnaadaan 15 Xubno,waxa ay ka Shaqeyn doonaan sidii ay ku dhici laheyd doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Diyaar garoowgii u dambeeyey ee kulanka Maanta ayaa haatan ka socda Muqdisho,waxaana Xildhibaanada Golaha Shacabka sidoo kale laga sugayaa in ay doortaan  Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya,iyada oo ay jiraan musharixin farabadan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media