Darawal Soomaali oo Shil gaari ku dilay Haweeney oo la baadi-goobayo

Booliska dalka Uganda ayaa sheegay inay raadinayaan darawal Soomaali oo baxsad ah, kadib, markii uu jimcihii lasoo dhaafay Shil Gaari ku dilay Haweeney 22-jir  ah oo la oran jirey Mary Akullo.

Darawalka oo magaciisa lagu soo koobay Burhan ayaa ah Muwaadin Soomaali oo degan Kakuma ee dalka Suudaanta Koonfureed (South Sudan) ayaa lagu eedeynayaa inuu gaari ku jiiray Haweeneydaasi.

Shilkaasi  ayaa waxaa uu ka dhacay Wadadada Juba Road ee qeybta Galbeed ee magaaladda Lira City ee dalkaasi.

Afhayeenka Bolis-Gobaleedka Waqooyiga Kyoga (The North  Kyoga), Patrick Jimmy Okema ayaa u sheegay Wargeyska The Monitor inuu Eedeysanaha oo kaxaynayey gaari noociisu ahaa Mercedes Benz uu ku dhacay Mooto waday Haweeney Rakaab ah iyo dhowr Jawaan oo Galley ah.

Afhayeenka ayaa waxa uu intaasi ku daray inay Haweeneydii ka dhacday Mootadii, kadibna uu jiiray Gaarigii, iyadoo Haweeneydii ku geeriyootay Shilkaasi. Afhayeen Okema ayaa waxa uu tilmaamay inay Booliska ku baxeen Shilkaasi,  iyadoo maydka Haweeneyda la dhigay Qeybta Maydadka ee Isbitaal-Gobaleedka ee Lira Regional Hospital.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor