Wararka aan ka heleyno deegaan ka tirsan Gobolka Sanaag ee ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saakay ay la wareegeen dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab.
Al-shabaab ayaa sigaar ah u qabsaday deegaan lagu magacaabo Gacan-Maroodi oo hoostaga degmada Yubbe ee Gobolka Sanaag, waxaana halkaas lagu soo waramayaa inay ku sugan yihiin.
Dadka deegaanka degmada Yubbe ayaa ayaa sheegay in Al-shabaabka la wareegay Gacan-Maroodi ay ka yimideen dhanka buuraleyda Calmadow ee isla Gobolka Sanaag, iyagoona la tilmaamay in fariisimo ay ka sameeysteen deegaanka.
Wararka ayaa intaasi ku darayan in deegaanka Gacan-Maroodi uu yahay deegaanka istaraatiiji u ah isku socodka gaadiidka isaga kala goosha Gobolka Sanaag.
Todobaadkii la soo dhaafay ayay aheyd markii rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen Saldhig Ciidanka Puntland ay ku lahaayeen degaanka Af-Urur ee Gobolka Bari, waxaana intaasi kadib halkaas ka dhacay dagaal sababay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac.