Guddoomiyaha Guddiga Madax-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka  Xaliima Ismaciil ayaa xafiiskeeda ku qaabishay safiirka Dawaladda Sweden ee Soomaaliya Amb. Staffan Tillander.
Safiirka iyo Gudoomiyaha ka wada-hadlay xaaladihii u dambeeyay ee arrimaha doorashooyinka Soomaaliya iyo isbadelladii dhacay.
Waxaa sidoo kale ay ka wada-hadleen geedi socodka dimoqaraadiyadeynta Dalka iyo tageerada Sweden ay ka gaysanayso dhismaha iyo tayanta Guddiga Madaxabannan ee Doorashooyinka Qaranka oo aasaas u ah geedi-socodka hanaan doorasho oo dimoqoraadi ah oo ka qabsooma Soomaaliya mustaqbalka.
Guddiga doorashooyinka ayaa tan iyo markii la dhisay waxaa ay ku adkeysanayeen in dalka ay ka dhacayso doorasho qof iyo cod, ayna taas ka hir-galin doonaan dalka oo idil, balse ugu dambeyn waxaa la isku raacay in dalka ay ka dhacdo doorasho dadban, waxaana taasi ay ka dhigan tahay in guddiga doorashooyinka aysan u suurtoobin waxyaabihii ay ku taamayen billowgii dolwadda waqtigeedu sii dhacayo.