Algeria iyo Maraykanka oo iskaashi Cusub ku dhawaaqay

Taliyaha Taliska Mareykanka ee Afrika Gen. Stephen Townsend iyo Madaxweyne Algeria Abdelmajid Tebboune ayaa isku afgartay in laga wadashaqqeyo arrimo ay ka mid yihiin amniga gobolka, la dagaalanka kooxaha Islaamiyiinta iyo abuuritaanka fursado waxqabadoo muhiim u ah labada dhinac.

Kulankii Madaxdaasi oo ka dhacay Magaalada Algeris,waxay dhinacyadaasi ka hadleen walaaca amaanka ee gobolka, oo ay kamid yihiin dagaalada ka socda Liibiya iyo kacdoonkii dhawaan ka dhacay Mali. waxayna labadaasi dal ka tirsan yihiin wadamada ku yaalla gobolka

Taliyaha Taliska Mareykanka ee Afrika iyo Madaxweynaha Aljeria Waxay sidoo kale ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, xasiloonida gobolka iyo baahida loo qabo in hoos loo dhigo saameynta ururada xagjirka ah ee rabshadaha wada, sida xulafada Al-Qaacida.

Intii lagu guda jiray booqashada, wafdiga Mareykanka waxay la kulmeen dhowr hogaamiye oo Algeria ah, oo ay ka mid yihiin Taliyaha Difaaca ee dhowaan la magacaabay, Lt. Gen. Said Chanegriha iyo Wasiirka Arimaha Dibada, Sabri Boukadoum.

Aljeeriya waa dal ay ka go’an tahay la-dagaallanka waxa ay ugu yeeraan argagixisada,Wuxuuna door muhiim ah ka ciyaaraa nabadgelyada Waqooyiga Afrika iyo Badda Dhexe.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media