Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa lagu wadaa in ay ka dhacdo Munaasabad lagu daahfuraayo Xabsi si casri ah loo dhisay,kaasi oo kamid ah Xabsiyada ugu weyn Qaaradda Afrika.
Munaasabadda daahfurka ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxda dowlada Soomaaliya,waxaana ay ka dhici doontaa Xarunta Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo ku taalla Ex Kontorool Afgooye.
Dhisida dhismaha Xabsiga ayaa waxaa la bilaabay 2016-kii,waxaan muddooyinkii dambe ku socday dayactir lagu sameeynayo Xaruntaasi.
Xabsigaan laga furaayo Maanta Muqdisho ayaa kamid noqonaya Mid kamid  ah Xabsiyadda ugu weyn Qaaradda Afrika,waxaana lagu xareyn doonaa dadka ku jira Xabsi dhexe ee Magaalada Muqdisho.
Dhinaca kale Maanta Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa u dagaal dagaya Sanadguurada 49Aad ee kasoo wareegtay Aas Aaskooda,waxaana isku soo Aaday Furitaanka Xabsiga iyo Munaasabadda.