Weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya Magalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in kooxo hubeysan ay saakay magalada Boosaaso ku weerareen Nin Ganacsade ah iyo Aabihiis.

Wariyeyaal ku sugan Boosaaso ayaa u sheegay Radio Dalsan in Kooxo ku hubeysnaa Bustoolado ay dileen Ganacsade lagu Magacaabi jiray Cabdiqadir Maxamed Saleebaan,sidoo kalena ay dhaawaceen Aabihiis.

Dadkii ka dambeeyay dilka iyo dhaawaca ayaa Goobta ka baxsaday,waxaana Meydka iyo dhaawaca goobta ka qaaday ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Puntland.

Lama oga sababta dadkaasi loo weeraray iyo cida ka dambeysa,hayeeshee maamihii la soo dhaafay ayaa waxaa Magalada Boosaaso ka dhacayay dilalka loo geysanayo Ganacsatada iyo ciidamada ka tirsan Maamulka Puntland.

Saraakiisha Ciidamada Booliska Puntland oo la hadlay Warbaahinada ka howlgalla deegaanada maamulkaas ayaa waxa ay sheegeen in ay wadan baaritaano ku aadan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dadkii ka dambeeyay dilkaas.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor