Sawirro:-Wadooyinka Muqdisho oo Maanta xiran

Waxaa Maanta inta badan xiran Wadooyinka Muhiimka ah ee Magalada Muqdisho,iyada oo Gawaarida dadka Shacabka ah wataan loo diidayo inay maraan.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xiray koontoroolada laga soo galo Magalada Muqdisho iyo Isgoysyada Magalada Muqdisho,waxaana maanta badi Shacabka ay wada lugeynayaan.

Sababaha loo xiray Wadooyinka Muqdisho ayaa waxa ay tahay,waxaa saacadaha soo socda kusoo wajahan Magalada Muqdisho Madaxweynaha dalka Ereteriya iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Amniga Magalada Muqdisho ayaa maanta aad loo adkeeyay,waxaana Wadooyinka waaweyn ee Muqdisho lagu arkayaa Ciidamo isugu jira Boolis iyo Millateri.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media