Dowladda Uganda ayaa shaaca ka qaaday inay fashilisay weerar qorsheysan oo lala damacsanaa in lala beegsado goob lagu Aasayay taliye sare oo ka tirsanaan jiray Ciidamada midowga Afrka ee AMISOM, kana howlgeli jiray gudaha dalka Soomaaliya.
Afhayeenka Ciidanka Booliska Uganda Brigadier Flavia Byekwaso ayaa sheegtay in laamaha amniga ay qabteen Nin doonayay inuu isku dhex qarxiyo goobta Aaska Sarreeye Gaas Paul Lokech oo ay ku sugnaayeen Saraakiil sarsare iyo Mas’uuliyiin.
Waxaa ay tilmaamtay Brigadier Flavia in Ninka xiligii la qabanayay uu watay bam-gacmeedyo iyo jaakadaha Is-miidaaminta, kaasi khamiistii lasoo dhaafay lagu qabtay Magaalada Pader ee ku taalla waqooyiga dalka Uganda.
Afhayeenka ciidanka Flavia Byekwaso oo Bayaan ay soo saartay waxaa ay intaas kusii dartay in Ninkan oo lagu magacaabo Katumba Abdul uu yahay muwaadin u dhashay Uganda, uuna rabay inuu isku qarxiyo Aaska Maj Gen Paul Lokech oo ku geeriyooday Magaalada Kampala.
Maj Gen Paul Lokech ayaa ka tirsanaa Ciidamada AMISOM, isla markaana wuxuu ahaa Sarkaalkii hogaaminayay weerarkii dagaalamayaasha Al-Shabaab looga saaray Muqdisho Caasimadda ah ee Muqdisho sannadkii 2011.