Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar Madaafiic ku bilaawday oo rag ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Jubbaland ee deegaanka Buulo Gaduud..
Saldhigaan oo uu Maalin ka hor booqday Axmed Madaoobe Madaxweynaha Jubbaland ayaa ah mid horaantii Bishii la soo dhaafay ee Sanadkaan lagu laayay Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Maamulka Jubbaland.
Ciidamada Jubbaland ayaa dhankooda waxa ay tuureen Madaafiic jawaab u ah kuwa ay soo tuureen Al-Shabaab halka dadka deegaanka qaarkood ay Dalsan u sheegeen in ay maqlayeen rasaas yar use oo marmar dhaceysa.
Ilaa iyo hadda lama iga khasaaraha ka dhashay weerarkaas madaafiicda ah welina Al-Shabaab iyo Saraakiisha Ciidamada Jubbaland kama hadlin.