Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweeri Museveni ayaasheegay inuu diyaar u yahay inuu Somalia u soo diro 5,000 oo Askari, si ay uga mid noqdaan Hawlgalka AMISOM.
Wargeyska The Monitor ee ka soo baxa magaalladda Kampala ayaa qoray inuu Madaxweyne Museveni u sheegay Saraakiil Maraykan inay Uganda diyaar u tahay inay 5,000 oo Askar dheeraad ah u diro Somalia , si ay u xoojiyaan Hawlgalka AMISOM ee La-dagaalanka Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.
Wargeyska kale ee Daily Monitor ee ka soo baxa Kampala ayaa isagana qoray inuu Jeneral Museveni hadalkaasi shaaciyey mar uu Kulan la qaatay Ku-simaha Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka ugu qaabilsan Arrimaha Afrika, Ambassador  Donald Yamamoto.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Uganda waxa uu shuruud ku xiray si uu Ciiddamo dheeraad ah ugu soo dirao Somalia, haddii ay Beesha Calaamka ballan qaadaan inay kordhin doonaan Malagelinta aMISOM iyo in loogu deeqo Qalab Milliteri oo ay ka mid yihiin Diyaaradaha Helikopteradda ee wax lagu weerari karo.
Uganda waxaa Somalia ka jooga in ka badan 6,000 oo Askari, waana Ciiddanka ugu badan Hawlgalka AMISOM ee 10-jirsaday.