Muxuu Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay Madaxweyne Biden uu la kulmay?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galayey Meertada 77-aad ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey ayaa sidoo kale ka qaybgalay martiqaad uu ku maamuusay Madaxweynaha Dowladda Maraykanka Joe Biden.

Madaxweynuhu waxa uu ku bogaadiyey dowladda Maraykanka doorka ay ka qaadanayso dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, sida lagu sheegay Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed oo iskaashanaya ay dalkooda ka xoreynayaan Al-shabaab, haatanna ay wadaan dagaalo ka socda deegaannada ay ku sugan yihiin Shabaabka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa weli kulamo kala duwan ka wada  dalka Mareykanka oo uu ku sugan yahay, wuxuuna halkaas kula kulmay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Mareykanka, Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey iyo mas’uuliyiin kale.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor