Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar Khasaaro geystay oo saacadihii la soo dhaacay ka dhacay deegaan ka tirsan Magaalada Gaariga ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.
Rag hubeysan ayaa weerarkan ku qaaday dad la sheegay inay Kenyan ahaayeen, kuwaasi oo ku sugnaa deegaan lagu magacaabo Harbuul oo qiyaastii 53 KM ujira Magaalada Gaariga, waxaana halkaas ka baxsaday ragii ka dambeeyay falka.
War qoaal ah oo lagu daabacay baraha Internet-ka ay ku leeyihiin Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegteen mas’uuliyada weerarkaas, iyagoona sheegay inay dileen 9 ruux oo Kenyan ah.
Sidoo kale Al-shabaab ayaa dadka ay weerarka ku dileen waxaa ay ku tilmaameen inay ahaayeen Kirishtan, isla markaana ay kamid ahaayeen shaqaalada dowladda Kenya.
Dhinaca kale weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda Kenya oo ay uga hadlayaan wararka sheegaya in 9 ruux looga dilay weerar ka dhacay Magaalada Gaariga.
Si kastaba Al-shabaab ayaa dhawaan weerar ka dhacay deegaanka Kutulo oo hoostaga degmada Wajeer ku dishay Saraakiil ka tirsan Kenya, kuwaasi oo socdaal ku marayay halkaas.