• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Wednesday, June 25, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Akhriso:-Beesha Caalamka oo baaq u dirtay Madaxda Soomaaliyeed iyo Shacabka

Bilan Media by Bilan Media
December 18, 2019
in Warar, Wararka Idaacadda, XULKA WARARKA
Reading Time: 3 mins read
A A
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Wakiilo ka socday Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Gobaleedka IGAD, iyo Qaramada Midoobay ayaa booqasho ku tegay Jubaland, waana kulankii saddexaad ee kamid ah kulamo wadatashi ah oo taxane ah oo ka kala dahacayay Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah.

War-saxaafadeed kaso baxay Beesha Caalamka ayaa waxaa looga hadlay arrimo kala duwan, kaasi oo u qornaa sidan:-

Maaddaama sanadka 2019ka uu sii dhamaanayo, waxaan dib u milicsaneynaa horumarka la gaaray sanadkan, waxaana rajeyneynaa in sanadka 2020ka uu noqdo sanad muhiim u ah Soomaaliya. Waxaan halkan u joognaa in aan kulamo la qaadano dad kaladuwan oo ay hawshu khusayso, si aan u dhageysanno aragtiyadooda ku aaddan sida sanadka 2020ka lagu gaari karo arrimaha muhiimka ah ee hortabinta qaran leh.

Arrimahaas waxaa ku jira diyaarinta doorashooyin ‘qof-iyo-cod’ ah, dhameystirka Dastuurka Federaalka ah, sii socoshada horumarka ku aaddan [xaqiijinta] deyn cafinta, iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Ka-hor inta aan la gaarin sanadkaas muhiimka ah, wakiilada beesha caalamka qaarkood ee taageerada dhinacyada badan leh u fidiya Soomaaliya ayaa waxay kulamo la qaadanayaan madaxda qaranka, Dowlad Goboleedyada, odayaal dhaqameedyada iyo bulshada rayidka ah, ee dalka oo dhan. Waan ka xunnahay in intii aan ku guda-jirnay booqashadeenii maanta, qaar kamid ah bulshada rayidka ah iyo hogamiyeyaal dhaqameedyada bulshada ee lagu marti qaaday shirka ay awoodi waayeen inay nala kulmaan.

Xaaladda siyaasadeed ee Jubaland weli ma sal dhiganin laakiin Jubaland iyo dadkeeduba waxay dowrkooda ka cayaari doonaan hawsha lagu xaqiijinayo yoolalka Soomaaliya ee 2020ka, annaguna ma doonaynin in aragtidooda la iloobo. Booqashadan ayaa ahayd fursad aan si toos ah uga fahamno dadka ay hawshu khusayso ee Jubaland arrimaha sii kala qaybinaya iyo waxa uu noqon karo xalka suurtagalka ah ee ku imaanaya wadahadal, qaab xaqiiqada ku qotoma iyo isu-tanaasul, iyo danta qaran oo laga hormariyo wax kasta. Haddii aan xal nabadeed laga gaarin, xaaladda Jubaland waxay khatar gelinaysaa xaqiijinta arrimaha mihiimka ah ee hortabinta u leh qaranka. Waxaan u mahad celinaynaa wakiilladii aan la kulannay ee nala wadaagay fikradohooda.

Ujeedooyinka Soomaaliya u degsan waxaa lagu gaari karaa wada-shaqeyn xooggan oo dhexmarta dhamaan dhinacyada ay hawshu khuseyso, sanadka 2020ka wuxuu Soomaaliya u noqon karaa sanad taariikhi ah. Waxaan ku dhiirigelinaynaa dhammaan madaxda Soomaaliyeed, hay’adohooda iyo bulshadaba inay wadahadlaan si ay iskugu af-gartaan halkii loo dhaqaaqi lahaa, iyo inay iska kaashadaan sidii lagu xaqiijin lahaa arrimaha ay ku heshiiyeen ee hortabinta u leh sanadka soo socda.

Waxaan sii wadi doonnaa in aan Soomaaliya ku garab istaagno hirgelinta arrimaha hortabinta qaran leh ee ay ballan qaadday [inay hirgeliso] sanadka 2020ka.

Previous Post

Weerar dad lagu dilay oo ka dhacay Gaarisa iyo Al-shabaab oo War kasoo saartay

Next Post

Ciidamada amniga Dhuusamareeb oo gacanta ku dhigay Nin Walaalkiis dilay

Bilan Media

Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Related Posts

Madaxweyneyaashii Hore ee Soomaaliya oo Cambaareeyay Weerarkii Iran ku Qaadday Qatar
Warar

Madaxweyneyaashii Hore ee Soomaaliya oo Cambaareeyay Weerarkii Iran ku Qaadday Qatar

June 24, 2025
Soomaaliya oo si Kulul u Cambaareysay Weerarkii Iran ku Qaaday Saldhigga Mareykanka ee Qatar
Warar

Soomaaliya oo si Kulul u Cambaareysay Weerarkii Iran ku Qaaday Saldhigga Mareykanka ee Qatar

June 24, 2025
Iran oo Gantaallo Ku Weerartay Saldhigga Ciidamada Mareykanka ee Qatar
Caalamka

Iran oo Gantaallo Ku Weerartay Saldhigga Ciidamada Mareykanka ee Qatar

June 24, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo Ka Qeybgalay Daahfurka Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo Ka Qeybgalay Daahfurka Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka

June 23, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Daahfuray Qorshaha Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Daahfuray Qorshaha Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka

June 23, 2025
“Xamsa Barre: Looma Laabanayo Doorasho Dadban”
Warar

“Xamsa Barre: Looma Laabanayo Doorasho Dadban”

June 23, 2025
Next Post

Ciidamada amniga Dhuusamareeb oo gacanta ku dhigay Nin Walaalkiis dilay

Somalia Denounces Iran’s Missile Strike on U.S. Base in Qatar, Urges Restraint Amid Rising Gulf Tensions

Somalia Denounces Iran’s Missile Strike on U.S. Base in Qatar, Urges Restraint Amid Rising Gulf Tensions

by Gesey Liban
June 24, 2025
0

Mogadishu, Somalia – In a strong and swift response to rising tensions in the Gulf, the Federal Government of Somalia...

Former Somali Presidents Condemn Iranian Missile Strike on Qatar as “Unacceptable Aggression”

Former Somali Presidents Condemn Iranian Missile Strike on Qatar as “Unacceptable Aggression”

by Gesey Liban
June 24, 2025
0

Two former Somali presidents, Mohamed Abdullahi Farmaajo and Sheikh Sharif Sheikh Ahmed, have strongly condemned Iran’s missile attack on the...

Madaxweyneyaashii Hore ee Soomaaliya oo Cambaareeyay Weerarkii Iran ku Qaadday Qatar

Madaxweyneyaashii Hore ee Soomaaliya oo Cambaareeyay Weerarkii Iran ku Qaadday Qatar

by Ilhaan
June 24, 2025
0

Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii gantaallaha ahaa...

Soomaaliya oo si Kulul u Cambaareysay Weerarkii Iran ku Qaaday Saldhigga Mareykanka ee Qatar

Soomaaliya oo si Kulul u Cambaareysay Weerarkii Iran ku Qaaday Saldhigga Mareykanka ee Qatar

by Ilhaan
June 24, 2025
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerarkii gantaallaha ahaa ee ay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ku qaaday...

Somalia Denounces Iran’s Missile Strike on U.S. Base in Qatar, Urges Restraint Amid Rising Gulf Tensions
English News

Somalia Denounces Iran’s Missile Strike on U.S. Base in Qatar, Urges Restraint Amid Rising Gulf Tensions

June 24, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Former Somali Presidents Condemn Iranian Missile Strike on Qatar as “Unacceptable Aggression”
English News

Former Somali Presidents Condemn Iranian Missile Strike on Qatar as “Unacceptable Aggression”

June 24, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyneyaashii Hore ee Soomaaliya oo Cambaareeyay Weerarkii Iran ku Qaadday Qatar
Warar

Madaxweyneyaashii Hore ee Soomaaliya oo Cambaareeyay Weerarkii Iran ku Qaadday Qatar

June 24, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Soomaaliya oo si Kulul u Cambaareysay Weerarkii Iran ku Qaaday Saldhigga Mareykanka ee Qatar
Warar

Soomaaliya oo si Kulul u Cambaareysay Weerarkii Iran ku Qaaday Saldhigga Mareykanka ee Qatar

June 24, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Iran oo Gantaallo Ku Weerartay Saldhigga Ciidamada Mareykanka ee Qatar
Caalamka

Iran oo Gantaallo Ku Weerartay Saldhigga Ciidamada Mareykanka ee Qatar

June 24, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Breaking: Iran Launches Retaliatory Missile Strikes on U.S. Base in Qatar, Raising Gulf Tensions
English News

Breaking: Iran Launches Retaliatory Missile Strikes on U.S. Base in Qatar, Raising Gulf Tensions

June 24, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Somalia Denounces Iran’s Missile Strike on U.S. Base in Qatar, Urges Restraint Amid Rising Gulf Tensions
  • Former Somali Presidents Condemn Iranian Missile Strike on Qatar as “Unacceptable Aggression”
  • Madaxweyneyaashii Hore ee Soomaaliya oo Cambaareeyay Weerarkii Iran ku Qaadday Qatar
  • Soomaaliya oo si Kulul u Cambaareysay Weerarkii Iran ku Qaaday Saldhigga Mareykanka ee Qatar

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00