• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Tuesday, May 13, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Waxqabadka Dowladda Ee Toddobaadkii Hore

Dalsan Editor by Dalsan Editor
March 28, 2015
in Warar
Reading Time: 18 mins read
A A
2
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter
MoI Logo

Waxqabadka Dowladda ee Usbuucii la soo dhaafay

Mogadishu, 28 Maarso 2015 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay. Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Dardargelinta Nidaamka Federaalka, Turkiga oo deeq waxbarasho siinaya 500 arday sanad walba, Jasiiradda Kudhaa oo Al-Shabaab laga saaray, Sacuudiga oo gar-gaar caafimaad u fidisay dhaawacyo, Dardargelinta Shuruucda Nidaamka Federaalka, Danbiilayaal lagu fuliyey xukunno dil ah, Dar-dargelinta dhameystirka Maamulka KMG ah ee Jubbaland iyo Dar-dargelinta Maamul Wanaaga.

Dardargelinta Nidaamka Federaalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud 24kii Maarso si loo dardargeliyo howlaha maamul u sameynta Gobollada Dhexe. Madaxweynaha oo 3 cisho ku sugnaa Dhuusamareeb ayaa kulamo kala duwan la yeeshay dhammaan qeybaha bulshada iyo madax dhaqameedka beelaha deegaanka. Ujeedada kulamadan ayaa ahaa sidii xal waara oo dib u heshiisiineed loogu heli lahaa dadka deegaanka si maamulka ay sameysanayaan uu u noqdo mid loo dhan yahay oo si nabad ah ay dadka deegaanka uga wada qeybqaataan. Madaxweynaha ayaa odoyaasha kala hadlay sidii natiijooyin wax ku ool ah ay uga soo bixi lahaayeen shirka dib u heshiisiinta ee Dhuusamareeb, isagoo intaa ku daray Madaxweynuhu in dowladda ay mar waliba garab taagantahay dhaqan gelinta go’aanada dib u heshiisiineed ee ka soo baxa shirka. Dowladda Federaalka ayaa in muddo ahba waday dadaalo lagu doonayo in maamulada KMG ah ay si dhaqso ah uga dhismaan ugana hirgalaan gobollada harsan sida gobollada dhexe, Hiiraan, Shabeelaha Dhexe iyo Banaadir.

Turkiga oo deeq waxbarasho siinaya 500 arday sanad walba

Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya Mudane Olgan Baker oo 25kii Maarso booqday Jaamacadda SIMAD ayaa sheegay in dowladdiisu ay sii wadeyso taageerada horumarineed iyo tan waxbarasho ee ay siiyaan dadka Soomaaliyeed. Safiirka Turkiga ayaa yiri “Waxaan horayba u wadnay taageero aan siineyso jaamacadaha Soomaaliyeed, anagoo ugu deeqnay kombiyuutaro iyo qalab kale waana sii wadi doonaa teegeeradaas aan siineyno iskuulada iyo jaamacadaha. Fursadaha waxbarasho ee bilaashka ah waa mid muhiim noo ah sanad kasta waxaan bixinaa deeq waxbarasho oo aan siinaa shan boqol oo arday oo Soomaali ah”. Sidoo kale danjiruhu wuxuu sheegay in dowladda Turkigu ay mashaariic horumarineed oo badan ay ka waddo waddanka, kuwaas oo lagu dhisayo kaabayaasha dhaqaale sida dekadda iyo garoonka diyaaradaha iyo qaar kale oo xiriir la leh arrimaha gargaarka bani aadanimmo iyo dib u dhiska asagoo tilmaamay inay sii wadi doonaan mashaariicdaas. Danjire Olgan Baker ayaa kormeeray qaybaha jaamacadda SIMAD isagoo kulan gaar ah la qaatay maamulka jaamacadda. Gudoomiyaha jaamacadda SIMAD Daahir Xassan Carab ayaa uga Mahad celiyay danjiraha, shaqada uu ka hayo waddanka wuxuuna si gaar ah u xusay taageerada ay siiyaan jaamacadaha waddanka iyo ardayda Soomaaliyeed ee ay deeqaha waxbarasho dalkooda ugu qaadaan.

Jasiiradda Kudhaa oo Al-Shabaab laga saaray

Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM ayaa Jasiiradda Kudhaa oo ku taala gobolka Jubadda hoose ee koonfurta Soomaaliya ka xoreeyay maleeshiyaadka kooxda Nabad-diidka ee UGUS 22kii Maarso 2015, kadib howlgallo ay halkaas ka sameeyeen. Kudhaa waxa ay ka mid aheyd goobaha ay maleeshiyaadka UGUS ku xoog badnaayeen iyadoo u aheyd saldhig muhiin ah oo sahayda iyo howlgallada ee koonfurta Soomaaliya ay ka fuliyaan, sidoo kale waxa ay Kudhaa aheyd goob ay ka dhoofiyaan dhuxusha taas oo horey Dowladda Soomaaliya u mamnuucday. Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM Amb. Maman Sidikou ayaa u hambalyeeyay ciidammada Xoogga Dalka iyo kuwa AMISOM guusha ay ka gaareen howlgalkaas. Dowladda Federaalka oo in muddo ahba waday dadaalada dalka looga sifeynayo maleeshiyaadka nabad-diidka ah ee UGUS ayaa sheegtay in Kudhaa oo goob istraatejiyad ah ku taalay ay shacabka degaankaas helayaan neecow nabad iyo nolol. Dowladda ayaa ku celcelisay sida ay uga go’antahay in dalka nabad laga wada dhigo, kuna celisey baaqii ahaa in maleeshiyaadka ay nabadda qaataan oo ay ka tanaasulaan collaadaha iyo dagaalada.

Sacuudiga oo gar-gaar caafimaad u fidisay dhaawacyo;

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 24kii Maarso waxa uu garoonka Muqdisho ku sii sagootiyey qaar ka mid ah dhaawacyadii ku waxyeeloobay qaraxyo horey uga dhacay Soomaaliya. Dhaawacyadan ayaa waxaa qaaday labo diyaaradood oo qalabkii caafimaadka ku rakiban iyagoo loo qaaday waddanka Boqortooyada Sacuudiga. Madaxweynaha ayaa dhaawacyada ALLE uga baryey inuu caafimaad siiyo, ugana mahadceliyey dowladda Sacuudiga sida ay umadda Soomaaliyeed u caawiyeen. Wasiirka Caafmaadka Xaawo Xasan Maxamed ayaa sheegtay in dadka la qaaday guud ahaan ay yihiin 21 qof oo 18 ka mid ah ay yihiin dadkii ku dhaawacmay Qaraxii ka dhacay Central Hotel ee Muqdisho. Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Soomaaliya, Khaalid Cumar Cali ayaa tilmaamay in Dowladda Sacuudiga akhbashay in ay dhaawacyadan dalkeeda u qaaddo si loogu soo dabiibo, waxa uu intaa raaciyey in Xukuumadda Soomaaliya ay si kal iyo laab ah uga mahadcelineyso dowladda Sacuudiga.

Dardargelinta Shuruucda Nidaamka Federaalka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Federaalka oo in muddo ahba waday dadaalada maamul u sameynta iyo dhaqangelintooda ayaa bilowday dadaalo lagu dardargelinayo shuruucda nidaamka Federaalka oo muhiim u ah sidii maamulada Federaalka ay u noqon lahaayeen kuwo rasmi ah oo leh sharciyadii ay u baahnaayeen, taasoo qeexi doonta sidii awooda iyo dhaqaalaha loo wadaagi lahaa iyo xiriirka ka dhaxeyn doona Maamulada Gobollada iyo Dowladda Federaalka ah. 24kii Maarso 2015 ayey Wasaaradda Arrimaha Gudaha hirgelisay Siminaar labo cisho ah oo 32 ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka Soomaaliya lagu barayey fahamka iyo horumarinta nidaamka Federaalka, muhiimada dib u heshiisiinta iyo dardargelinta shuruucda nidaamka Federaalka. Siminarka ayaa waxaa si wadajir ah u soo gaban qaabiyay Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka iyo hay’adaha Qaramada Midoobay oo kala ah UNDP iyo Xafiiska Siyaasadda ee Qaramada Midoobay ee UNSOM. Casharadda Siminaarka waxaa bixinayay Macalimiin iskugu jirta Soomaali iyo Ajaanib.

Danbiilayaal lagu fuliyey xukunno dil ah

Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida ayaa waxay xukunno dil ah ku fulisay danbiilayaal ay horey maxkamadda u xukuntay. Labo askari oo ka tirsanaa Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed oo horey dil u geystey dad shacab ah ayaa xukunnada dilka ah lagu fuliyey 24kii Maarso 2015. Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidanka Qalabka Sida Gaashaanle-Sare Liibaan Cali Yarow iyo Gudoomiyaha Maxkamada darajada koowaad ee Ciidanka Gaashanle Dhexe Xasan Cali Shuute ayaa goobta ku sugnaa si ay u hubiyaan in xukunka maxkamadda la fuliyey. Maxkamada ayaa ku heshay Cabdiraxmaan Ciise Axmed oo 20 jir ah kana tirsanaa ciidanka Xooga Dalka in uu si ula kac ah u dilay Marxuum lagu Magacaabi jiray Siciid Dhiblaaawe Siyaad 29kii August 2012-kii, halka Cabdulaahi Cali Cabdi Cigaal oo isna ka tirsanaa Ciidanka Xooga lagu helay in uu si ula kac ah u dilay Marxuumiinta kala ah Maxamuud Xuseen Cabdi Marxuumad iyo Sahro Sheikh Cumar. Ujeedada fulinta xukunnadan dilka ah ayaa ah sidii dalka loo nabadeyn lahaa oo danbiilayaasha ay u oggaan lahaayeen inay sharciga hortagi doonaan, si falalka dilalka ah ay u yaraadaan. Tanoo kaalin mug leh ka qaadan karta xasiloonida dalka iyo sidii dalka u noqon lahaa mid amni ah oo la isku haleen karo.

Dar-dargelinta dhameystirka Maamulka KMG ah ee Jubbaland

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa), Wasiirka Tamarta iyo Batroolka Mudane Maxamed Mukhtaar iyo Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane C/raxmaan Xirsi Kulmiye ayaa gaaray Kismaayo 23kii Maarso 2015 si ay u soo kuurgalaan xulista xubnaha baarlamaaka ee Maamulka Jubbaland. Mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka oo la hadlay eregada madasha joogtay ayaa sheegay in maamulka Jubaland wax qabad muuqda ka sameeyeen gobolada Juabooyinka gaar ahaan magaalada Kismaayo oo ay kamid tahay soo celinta nabadda iyo dib u dhiska. Wasiirka Arrmaha gudaha ayaa intaa ku daray in uu ku faraxsan yahay shaqada iyo howlaha ay wadaan maamulka Jubaland oo ku aadan dhameystirka maamulka isagoo tilmaamay in Dowladda Dhexe ay gacan ka geysan doonto howlaha maamulka Jubaland uu sameynaayo. Sidoo kale waxaa kulanka hadal ka jeediyay Madaxweynaha maamulka Jubaland Sheekh Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) waxaana uu tilmaamay in Jubbaland ay tahay meel Soomaali oo dhan u siman tahay isla markaana lagu soo dhaweynaayo, ayna ka go’antahay sidii loo dhameystiri lahaa Maamulka oo xubnaha baarlamaanka loo soo xuli lahaa. Xubnaha Wefdiga oo uu hogaaminaayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen ee xukuumadda Soomaaliya waxaa ay kulamo la yeesheen mas’uuliyiinta sare ee maamulka Jubaland ayagoo kala hadlay arimo ay kamid yihiin Amniga, dib u heshiisiinta iyo dhameystirka maamulka Jubaland.

Dar-dargelinta Maamul Wanaaga

Dowladda Federaalka oo in muddo ahba waday dhaqangelinta maamul wanaaga hay’adaha dowliga ah ayaa 22kii Maarso 2015 soo bandhigtay jagada Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda & Dhiirigelinta Maalgeshiga si cid allaale iyo cidii daneyneysa ay u soo dalbato oo tar-tan furan oo cad-cad la wada gelayo. Ujeedada ayaa aheyd sidii loo dhiiri gelin lahaa dadka aqoonta, waaya aragnimada iyo khibradda leh ee Soomaaliyeed si howlaha muhiimka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda loogu helo shaqsi karti iyo aqoon leh oo Wasaaradda gaarsiin kara maamul wanaag dhan walba ah. Xayesiintan ayaa ku eg 5ta April 2015 iyadoo cidii daneyneysa la doonayo inay soo buuxiyaan shuruudaha isla markaasna ay araajidooda ama codsigooda si toos ah ugu soo dirayaan e-mailka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee ah [email protected].

DHAMAAD
Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, [email protected]

central3

central7

Jubbaland7

SIMAD

central4

Jubbaland5

UAE1

Jubbaland3

Interior

Saudi caafimaad
Previous Post

20 killed In Maka Al Mukarama hotel siege

Next Post

Jarmalka oo Ugu Yaboohay IGAD lacag Lagu Taageerayo Soomaaliya

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

R/Wasaare Xamsa oo la kulmay Wakiilka Midowga Afrika
Warar

R/Wasaare Xamsa oo la kulmay Wakiilka Midowga Afrika

May 13, 2025
Puntland iyo Q.M oo ka wadahadlay Arrimaha Bini’aadinimada iyo Xasilinta.
Warar

Puntland iyo Q.M oo ka wadahadlay Arrimaha Bini’aadinimada iyo Xasilinta.

May 13, 2025
Soomaaliya iyo Azerbaijan oo kala saxiixday heshiis maalgashi beeraha ah
Warar

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo kala saxiixday heshiis maalgashi beeraha ah

May 13, 2025
Maamulka Gobolka Banaadir oo Dadaal Adag Ku Bixiyay Soo Celinta Bilicda Muqdisho
Warar

Maamulka Gobolka Banaadir oo Dadaal Adag Ku Bixiyay Soo Celinta Bilicda Muqdisho

May 13, 2025
Xisbiga Cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxda Maamul Goboleedyada oo Lagu Wado in Lagu Dhawaaqo Muqdisho
Warar

Xisbiga Cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxda Maamul Goboleedyada oo Lagu Wado in Lagu Dhawaaqo Muqdisho

May 13, 2025
Puntland oo Beesha Caalamka Ka Dalbatay Ka Qaybgal Barnaamijyada Xasilinta Soomaaliya
Warar

Puntland oo Beesha Caalamka Ka Dalbatay Ka Qaybgal Barnaamijyada Xasilinta Soomaaliya

May 13, 2025
Next Post

Jarmalka oo Ugu Yaboohay IGAD lacag Lagu Taageerayo Soomaaliya

Saudi Arabia to Buy $142 Billion in U.S. Weapons as Trump Secures Major Middle East Arms Deals

Saudi Arabia to Buy $142 Billion in U.S. Weapons as Trump Secures Major Middle East Arms Deals

by Liban
May 13, 2025
0

WASHINGTON, D.C. — In a sweeping and controversial move that reshapes U.S. military influence in the Middle East, the White...

R/Wasaare Xamsa oo la kulmay Wakiilka Midowga Afrika

R/Wasaare Xamsa oo la kulmay Wakiilka Midowga Afrika

by Ilhaan
May 13, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ku-simaha Wakiilka Gaarka ah ee Midowga...

Puntland iyo Q.M oo ka wadahadlay Arrimaha Bini’aadinimada iyo Xasilinta.

Puntland iyo Q.M oo ka wadahadlay Arrimaha Bini’aadinimada iyo Xasilinta.

by Ilhaan
May 13, 2025
0

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Puntland, Mudane Ilyaas Cusmaan Lugatoor, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay...

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo kala saxiixday heshiis maalgashi beeraha ah

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo kala saxiixday heshiis maalgashi beeraha ah

by Ilhaan
May 13, 2025
0

 Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa magaalada Baku ku saxiixay...

Saudi Arabia to Buy $142 Billion in U.S. Weapons as Trump Secures Major Middle East Arms Deals
English News

Saudi Arabia to Buy $142 Billion in U.S. Weapons as Trump Secures Major Middle East Arms Deals

May 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
R/Wasaare Xamsa oo la kulmay Wakiilka Midowga Afrika
Warar

R/Wasaare Xamsa oo la kulmay Wakiilka Midowga Afrika

May 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Puntland iyo Q.M oo ka wadahadlay Arrimaha Bini’aadinimada iyo Xasilinta.
Warar

Puntland iyo Q.M oo ka wadahadlay Arrimaha Bini’aadinimada iyo Xasilinta.

May 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Soomaaliya iyo Azerbaijan oo kala saxiixday heshiis maalgashi beeraha ah
Warar

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo kala saxiixday heshiis maalgashi beeraha ah

May 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Capital on the Mend: Mogadishu’s Post-Flood Restoration Efforts Gain Momentum
English News

Capital on the Mend: Mogadishu's Post-Flood Restoration Efforts Gain Momentum

May 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Maamulka Gobolka Banaadir oo Dadaal Adag Ku Bixiyay Soo Celinta Bilicda Muqdisho
Warar

Maamulka Gobolka Banaadir oo Dadaal Adag Ku Bixiyay Soo Celinta Bilicda Muqdisho

May 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Saudi Arabia to Buy $142 Billion in U.S. Weapons as Trump Secures Major Middle East Arms Deals
  • R/Wasaare Xamsa oo la kulmay Wakiilka Midowga Afrika
  • Puntland iyo Q.M oo ka wadahadlay Arrimaha Bini’aadinimada iyo Xasilinta.
  • Soomaaliya iyo Azerbaijan oo kala saxiixday heshiis maalgashi beeraha ah

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00