Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa magaalada Baku ku saxiixay heshiis is-afgarad (MoU) oo dhanka iskaashiga iyo horumarinta beeraha ah, isagoo heshiiska la saxiixday Wasiirka Beeraha ee Azerbaijan, Mudane Majnun Mammadov.
Heshiiskan is-afgaradka ah ayaa salka ku haya xoojinta wada shaqeynta labada dal ee dhinacyada maalgashiga beeraha, is-weydaarsiga aqoonta casriga ah ee waraabka iyo danabeynta, kor u qaadidda cilmi-baarista, iyo kobcinta ganacsiga beeraleyda ee Soomaaliya iyo Azerbaijan.
Wasiir Maareeye ayaa sheegay in heshiiskan uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee ay Wasaaraddu ugu jirto kor u qaadista wax-soosaarka gudaha, iyadoo la kaashaneysa tiknoolojiyad casri ah iyo khibrado caalami ah oo laga faa’iideysan karo. Waxa uu sidoo kale tilmaamay in Azerbaijan, oo caan ku ah horumarka tiknoolajiyadda dhanka beeraha, ay noqon karto lamaane istiraatiiji ah oo muhiim u ah horumarinta beeraleyda Soomaaliyeed.
Intii uu safarka ku sugnaa, Wasiirka iyo wafdigiisa waxay booqdeen xarumo cilmi-baariseed oo casri ah, kuwaas oo ku takhasusay cilmiga carada, kiimikada beeraha iyo adeegsiga teknoolojiyadda cusub ee kordhin karta wax-soosaarka iyo tayada dalagga.
Heshiiskan cusub ayaa rajo weyn u horseedaya beeraleyda Soomaaliyeed, iyadoo la filayo in iskaashigan uu noqdo mid horseeda koboc dhaqaale, shaqo abuur iyo horumar waara.