Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Puntland, Mudane Ilyaas Cusmaan Lugatoor, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, George Conway, oo sidoo kale ah Isuduwaha Hawlaha Bani’aadamnimada ee Xafiiska QM ee Soomaaliya.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray mashaariicda horumarineed iyo howlaha bini’aadantinimo ee ay Qaramada Midoobay ka wado gudaha Puntland, iyadoo si gaar ah loo falanqeeyay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ku saleysan xasilloonida, taageerada dadka nugul, iyo kor u qaadidda adeegyada aasaasiga ah.
Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa uga mahadceliyay Qaramada Midoobay kaalinta ay ka qaadato taageerada dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa barakacayaasha ah ee ku sugan deegaannada Puntland.
Dhinaciisa, George Conway ayaa xaqiijiyay in Qaramada Midoobay ay sii wadi doonto dadaallada lagu garab istaagayo bulshada Puntland, isagoo balan qaaday in la dardargelin doono qorshayaal wax ku ool ah oo lagu gaarsiinayo gargaar dadka u nugul xaaladaha nololeed, isla markaana lagu xoojinayo awoodda maamulka ee wax ka qabashada arrimaha bini’aadantinimada.
Kulankan ayaa ka mid ah dadaallada lagu xoojinayo wada-shaqeynta u dhaxeysa Puntland iyo hay’adaha caalamiga ah, si loo gaaro horumar waara iyo xal u helidda baahiyaha taagan.