Jarmalka oo Ugu Yaboohay IGAD lacag Lagu Taageerayo Soomaaliya

Hay’adda Dowladda Jarmalka ugu qaabilsan Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta (The German Economic Cooperation and Development) ayaa shaacisay inay Urur-gobaleedka IGAD ugu deeqeen 13 million oo Euro, si wax looga qabto Abaaraha ka taagan Goballadda ku teedsan Xuduudaha ay wadaagaan dalalka Somalia, Kenya iyo Ethiopia.

Agaasimaha Hay’adda Jarmalka ee Iskaashiga Dhaqaalaha iy Horumarinta ugu qaabilsan Bariga Afrika, Dr. Ralaf Matiyaas ayaa Yaboohaasi shalay kaga dhawaaqay Xarunta Dhexe ee Urur-gobaleedka IGAD ku leeyihiin Caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba.

Dhinaca kale, hadal ka soo baxay Xafiiska QM ee Isku-xirka Hawlaha Samafalka ee OCHA ayaa lagu sheegay inay gargaar degdeg ah u baahan yihiin in  ka badan 20-million oo qof oo ku macluulsan  dalalka Geeska Afrika.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor