• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Saturday, May 10, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay

Dalsan Editor by Dalsan Editor
June 18, 2016
in Warar
Reading Time: 9 mins read
A A
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Golaha Wasiirada oo ansixiyey Guddiga Saxaafada Soomaaliya, Guddiga Heer Federaal ee Hirgelinta Doorashooyinka oo la magacaabay, Cisbitaalka Baardheere oo la dhagax dhigay si loo dayactiro, Dowladda Federaalka oo dib-u-howlgelisay Sheybaarka Xannaanada Xoolaha, Wadada Wadnaha ee Muqdisho oo la dayactirayo, Wasiirka Caafimaadka ayaa Baydhabo ku dhagaxdhigtay Cisbitaal cusub, Ciidanka Booliiska oo gacanta ku dhigay diyaarad WFP u siday raashin dhacay, Ciidanka oo la wareegay Saldhiga Yasooman oo Al-Shabaab xarun u aheyd iyo Xarunta Dhaqancelinta Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo laga hiregeliyey Kismaayo

Golaha Wasiirada oo ansixiyey Guddiga Saxaafada Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa 16kii Juun 2016 Golaha Wasiirada hordhigay xubnaha Guddiga Saxaafada Soomaaliya oo 9 xubnood ka kooban. Dood dheer ka dib, Golaha Wasiirada ayaa ansixiyey xubnaha Guddiga Saxaafada oo dhowaan ka howgeli doona dhaqangelinta Xeerka Saxaafada iyo sidii warbaahinta dalka ay u noqon laheyn mid sharciyeysan oo u hoggaansanta Xeerka Saxaafada. Xubnahan 9ka ah ayaa ku yimid ka dib markii Wasaarada Warfaafinta ay la tashiyo ballaaran la sameysay dhammaan qeybaha u khuseyso oo taladooda iyo fikirkooda lagu soo xulay shaqsiyaad gudan kara waajibaadka loo igmaday.

Guddiga Heer Federaal ee Hirgelinta Doorashooyinka oo la magacaabay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xeer ka soo saaray magacaabista Guddiga Heer Federaal ee Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee sannadka 2016-ka. Guddigan oo ka kooban 22 xubnood ayaa lix ka mid ah ay yihiin haween.
Magacyada xubnaha ka mid noqonayaa guddigan ayaa kala ah:
1 Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa
2. Maxamed Jaamac Mursal
3. Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen
4. Sahra Maxamed Cali Samatar
5. Maxamed Cabdi Xayir
6. Saalax Axmed Jaamac
7. Maxamed Keynaan
8. Nafiisa Geedi Santuur
9. Cabdiraxmaan Xabashow
10. Baarliin Cadami
11. Cabdiweli Xersi Cabdulle
12. Saadiq Abshir Garaad
13. Aadam Ibraahim Aw Xersi
14. Cabdicasiis Sheekh Xuseen
15. Cabdiraxmaan Aadan Sate
16. Maxamed Cabdi Nuur
17. Xuseen Qaasim Yuusuf
18. Cabdullaahi Salaad Yaroow
19. Axmed Maxamed Saciid
20. Fardowsa Maxamed Ducaale
21. Aamina Cabdullaahi Dheerow
22. Raaxo Maxamed Janaqow
Guddigan waxaa hawshiisu noqon doontaa dejinta qorshe hirgelin oo faahfaahsan, jadwalka doorashada (kalandarka doorashada) iyo inuu ku dhawaaqo taariikhda ay dhacayaan doorashooyinka sannadka 2016.

Cisbitaalka Baardheere oo la dhagax dhigay si loo dayactiro

Cisbitaalka Baardheere ayaa dayactir lagu sameynayaa si bukaanka deegaanka ay u helaan daryeel caafimaad. Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa Dowladda Soomaaliya ugu deeqay kharashka dayactirka Cisbitaalka oo si casri ah laga dhigi doono. Tan iyo horaantii bishii shanaad ee sanadkan waxaa Isbitaalka Magaalada Baardheere ka socanayey howl balaaran oo dib u dhis iyo balaarin loogu sameynayo dhamaan qeybaha uu ka kooban yahay Isbitaalka oo dayacnaa mudo ka badan ilaa 25sanno, islamarkaana aanan helin wax dayactir ah ilaa ay ka bur burtey Dowladdii dhexe ee Soomaaliya. Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka DF Cabdulaahi Xaashi, Agaasimaha Hay’adda Gargaarka Sacuudiga ee Al-Suweyyid iyo Maxamed Idle Sabriye oo ah Madaxa hay’adda Gargaarka Sacuudiga. Dib u dhiskan iyo balaarintan hadda ka socota Isbitaalka Baardheere ayaa waxaa si diiran u soo dhaweeyey dadweynaha ku dhaqan Magaaladaasi,waxayna dhinaca kalena wax ka tari doontaa in Dadweynaha Baardheere mar kale ay helaan Xarun ay u doontaan adeegyada Caafimaad ee ay u baahan yahiin.

Dowladda Federaalka oo dib-u-howlgelisay Sheybaarka Xannaanada Xoolaha

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa 14kii Juun 2016 dib u hawl-gelisay Sheybaarka Dhexe ee Xannaanada Xoolaha Soomaaliya oo aan shaqayn muddo ka badan 25 sano. Wasiirka Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Soomaaliya iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaaladda Muqdisho ayaa si wadajir ah xarigga uga jaray sheybaarka, isla markaasna u mahadceliyay hay’adda FAO oo gacan ka geysatay furitaanka xaruntan. Wasiirka Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee dowlada federaalka Soomaaliya Mudane Siciid Xuseen Ciid, ayaa tilmaamay in xarig ka jerista xaruntan ay qeyb ka tahay in la soo celiyo kaalintii sheybaarka dhexe ee xoolaha uu dalka ku lahaa.

Wadada Wadnaha ee Muqdisho oo la dayactirayo

Munaasabad si heer sare ah loo soo qaban qaabiyay 13kii Juun 2016 ayuu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Yusuf Xuseen Jimcaale waxaa lacag dhan $500,000 (Shan boqol oo kun) oo doolarka Mareykanka ah guddoonsiiyay shirkadda dhiseeysa waddada wadnaha ee caasimadda Soomaaliya. Munaasabadda oo ay goob joog ka ahaayeen Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, guddoomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Hanti dhowrka guud ee dalka iyo mas’uuliyiin kale ayaa guddoomiye Madaale waxa uu sheegay in lacagta lagu wareejiyay shirkad dhiseeysa waddada Wadnaha, isagoo intaa ku daray in ay tahay lacagihii canshuuraha guryaha ee laga soo aruuriyay 17-ka degmo ee gobolka Banaadir.

Wasiirka Caafimaadka ayaa Baydhabo ku dhagaxdhigtay Cisbitaal cusub

Wasiirka Caafimaadka Dawlada Soomaaliya Xaawo Xasan Maxamed iyo Wakiilo dasocday Dawlada Sacuudi Arabiya ayaa 11kii Juun 2016 kii magaalada Baydhabo ku dhaxdhigay Cisbitaal cusub Laguna daryeelidoono Bulshada magaalada. Waxaa sidoo kale goobta dhagax dhiga ku sugnaa wasiir ku-xigeenka Wasaarada Caafimaadka ee Koofur Galbeed, madaxda Maamulka Gobolka iyo kan degmada. Maxamed iidle Sabriye oo ah Madaxa Xafiiska Ururka Iskaashiga Islaamka OIC iyo Sacuud Al-aweys oo ah Agaasimaha Guud ee Mashaaricaha Dawlada Sacuudiga ee Geeska Afrika ayaa Munaasabada Dhagaxdiga Hadal ka jeediyey.

Ciidanka Booliiska oo gacanta ku dhigay diyaarad WFP u siday raashin dhacay

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa 14kii Juun 2016 ku qabtay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle Cismaan (Aden Adde) raashin dhacay oo isugu jiray boqol shey oo kala duwan oo ay kamid ahaayeen galley, masago, caano boore, saliid iyo nuucyo kale. Ciidamada booliska ayaa raashinkan qabtay xili la doonayey in loo dhoofiyo qeybo kamid ah gobolka Gedo, halkaas oo qorshuhu ahaa in loogu qeybiyo qoysas Soomaaliyeed. Taliyaha hogaanka ilaalada Canshuuraha ee ciidamada Booliska Soomaaliya C/laahi Xasan Bariise oo garoonka kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Raashinkan dhacay ee la qabtay ay laheyd Hay’adaha Cunada Aduunka ee WFP, islamarkaana ciidanku ay gacanta ku hayaan shaqsiyaad masuul ka ahaa raashinka. C/laahi Xasan Bariise Taliyaha hogaanka ilaalada Canshuuraha ciidamada booliska Soomaaliyeed ayaa dhinaca kale sheegay in la bilaabayo baaritaan ku saabsan raashinkan, gudi gaar ahna loo magacaabi doono.

Ciidanka oo la wareegay Saldhiga Yasooman oo Al-Shabaab xarun u aheyd

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo gacan ka helaya Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa 14kii Juun 2016 si buuxda ula wareegay gacan ku heynta Talis ku yaalla Deegaanka Yasooman oo hoostaga Degmada Buulo Barde ee gobalka Hiiraan. Saldhiggan ayaa ahaa, goobtii ay maleeshiyaadka Al-shabaab ka soo qorsheeyeen weerarkii todobaadkii hore lagu qaaday Saldhig ay ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Kuwa AMISOM ku lahaayeen Magaalada Halgan, halkaas oo lagu dilay 120 kamid ah Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Xarunta Dhaqancelinta Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo laga hiregeliyey Kismaayo

Xaruntan oo ay 13kii Juun 2016 si wadajir ah u dhagax dhigeen Guddoomiyaha gobolka Jubbada Hoose Cabdirashiid Cabdullaahi Cali Goonni iyo Agaasimaha Waaxda Dhaqan Celinta maleeshiyaadka ee Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maalik Cabdalla ayaa lagu dhaqan celin doonaa maleeshiyaadka Al-shabaab kuwooda isa soo dhiiba. Xaruntan waxay ku taalaa xeradii hore ee Mariiniska ciidamada Badda Soomaaliya ee magaalada Kissmaayo iyadoo xaruntani ay burbursaneyd muddo kaban 20 sano, ayaa hada laqorsheynayaa in dayactir lagu samayo. Gudoomiyaha gobolka Jubada hoose Cabdirashiid Gooni ayaa sheegay inay arintani wax badan ka bedeli doonto fikirka malayshiyaadka ay qaldeen kooxda Al-Shabaab. Agaasimaha Waaxda dhaqan celinta maleeshiyaadka ee Wasaaradda Amniga Soomaaliya Maalik Cabdalla ayaa dhankiisa faahfaahin ka bixiyay xaruntan cusub waxuuna sheegay in xaruntan dhaqan celinta maleeshiyaadka ay door weyn ka ciyaari doonto la dagaalanka fikirka Argagixisada kaa soo ay shabaab ku maran habaabiyaan Umada Soomaaliyeed.

DHAMAAD
Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, [email protected]  Tel. +252 61 2777736 Email: [email protected] – Muqdisho –Somalia

Previous Post

Ururka Suxufiyiinta NUSOJ oo qaadacay dhismaha golaha saxaafada qaranka

Next Post

DEG DEG: Maxkamada militariga Puntland oo dil ku xukuntay 43 Al Shabab ah

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

GUDDOOMIYE KUXIGEENKA LABAAD EE GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA.
Warar

GUDDOOMIYE KUXIGEENKA LABAAD EE GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA.

May 8, 2025
Trump oo Qasa u Wado Maamul KMG ah oo Mareykan Hoggaaminayo
Caalamka

Trump oo Qasa u Wado Maamul KMG ah oo Mareykan Hoggaaminayo

May 8, 2025
DFS oo Maamul Cusub ka Abaabuleysa Jubbaland
Warar

DFS oo Maamul Cusub ka Abaabuleysa Jubbaland

May 8, 2025
“Falcelinta Shacabka Kadib Weerarradii Pakistan iyo Hindiya”
Warar

“Falcelinta Shacabka Kadib Weerarradii Pakistan iyo Hindiya”

May 7, 2025
“Shirka Xisbiga Caddaaladda oo Hakad Ku Yimid
Warar

“Shirka Xisbiga Caddaaladda oo Hakad Ku Yimid

May 7, 2025
Guddoomiyaha SoDMA oo Kenya Ka Daah-furay Mashruuc Wacyigelineed oo $40 Milyan Ah
Warar

Guddoomiyaha SoDMA oo Kenya Ka Daah-furay Mashruuc Wacyigelineed oo $40 Milyan Ah

May 7, 2025
Next Post

DEG DEG: Maxkamada militariga Puntland oo dil ku xukuntay 43 Al Shabab ah

GUDDOOMIYE KUXIGEENKA LABAAD EE GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA.

GUDDOOMIYE KUXIGEENKA LABAAD EE GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA.

by Ilhaan
May 8, 2025
0

kulanka 11-aad ee Guddiga joogtada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa...

Federal Government Plots New Regional Administration in Jubbaland Amid Escalating Tensions

Federal Government Plots New Regional Administration in Jubbaland Amid Escalating Tensions

by Liban
May 8, 2025
0

The Federal Government of Somalia (FGS) has unveiled a contentious plan to establish a new autonomous administration in Jubbaland, in...

National Consultative Council Issues Communiqué After Key Meeting in Mogadishu

National Consultative Council Issues Communiqué After Key Meeting in Mogadishu

by Dalsan Editor
May 8, 2025
0

The National Consultative Council (NCC) released an official communiqué on Wednesday evening following the conclusion of its recent summit held...

Former Somali President Farmaajo Accuses President Hassan Sheikh of Undermining National Consultative Forum

Former Somali President Farmaajo Accuses President Hassan Sheikh of Undermining National Consultative Forum

by Dalsan Editor
May 8, 2025
0

Former Somali President Mohamed Abdullahi Farmaajo has strongly criticized President Hassan Sheikh Mohamud, accusing him of sabotaging the National Consultative...

GUDDOOMIYE KUXIGEENKA LABAAD EE GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA.
Warar

GUDDOOMIYE KUXIGEENKA LABAAD EE GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA.

May 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Federal Government Plots New Regional Administration in Jubbaland Amid Escalating Tensions
English News

Federal Government Plots New Regional Administration in Jubbaland Amid Escalating Tensions

May 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
National Consultative Council Issues Communiqué After Key Meeting in Mogadishu
English News

National Consultative Council Issues Communiqué After Key Meeting in Mogadishu

May 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Former Somali President Farmaajo Accuses President Hassan Sheikh of Undermining National Consultative Forum
English News

Former Somali President Farmaajo Accuses President Hassan Sheikh of Undermining National Consultative Forum

May 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia and UK discuss enhancing Defence Partnership
English News

Somalia and UK discuss enhancing Defence Partnership

May 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Swedish Police Train Somali CID Officers in Forensic Crime Scene Investigation
English News

Swedish Police Train Somali CID Officers in Forensic Crime Scene Investigation

May 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • GUDDOOMIYE KUXIGEENKA LABAAD EE GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA.
  • Federal Government Plots New Regional Administration in Jubbaland Amid Escalating Tensions
  • National Consultative Council Issues Communiqué After Key Meeting in Mogadishu
  • Former Somali President Farmaajo Accuses President Hassan Sheikh of Undermining National Consultative Forum

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00