Ururka Suxufiyiinta NUSOJ oo qaadacay dhismaha golaha saxaafada qaranka

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa si xoogan u qaadacay dhismaha Golaha Saxaafada qaranka oo uu golaha wasiirada meel mariyay maalintii Khamiista.

Golaha sare iyo golaha fulinta NUSOJ oo arintan ka dooday waxa ay soo saaren qoddob ay ku sharaxayan sababaha ay uga hor yimaaden guddi sida ay NUSOJ sheegtay loogu magac daray Golaha Saxaafada Qaranka.

NUSOJ ayaa sheegtay in labada gole ee Ururka ay isku raacen qoddobada soo socda:-

1- Ururka NUSOJ oo u taagan difaaca xuquuqda saxaafada qaranka Soomaaliyeed waxuu ka digayaa talaabo kasta iyo qorshe walba oo dowlahi ah ama madax banaan oo ka hor imaanaya midnimada,xuquuqda,iyo madax banaanida guud ee saxaafada Soomaaliyeed.

2-Ururka NUSOJ waxa uu gabi ahaan qaadacayaa ama diidayaa qaab dhismeedka iyo meel marinta guddigan loogu yeeray magac saxaafaded,waxuuna tilmaamayaa shir qool ka dhan ah doorka saxaafada madaxa banaan ee arrimaha qaranka.

3-Ururka NUSOJ waxa uu codsanayaa in la ixtiraamo codka saxaafada Soomaaliyeed lagana fiirsado sharciyaynta gudi duminayo howlaha iyo xuquuqda saxaafada madaxa banaan.

Guddiga saxaafadeed waa mid ku xusan sharciga warbaahinta Soomaaliyeed (Somali Media Law) oo uu saxiixay madaxweynaha Soomaaliya laakin weli Ururka NUSOJ waxa uu doonaya in talo gelin iyo wax ka bedel in lagu sameeyo,haddaba NUSOJ oo xambaarsan fikirka mideysan ee saxaafada Soomaaliyeed waxa ay cadeynayan in la hareer maray codkii saxaafada ay ku lahayd dhismaha guddigaas iyo la socodkiisa.

Dhamaad.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor